Waxaa ka furmay hoolka shirarka ee xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI kulan lagu qiimaynayay mashaariicaha laydhgalinta deegaanka.
Kulankaasi oo ay ujeedadiisu tahay sidii loo qiimayn lahaa tayada adeegyada mashaariicaha dhinaca laydh galinta deegaanka islamarkaana lagu dar-dargalinayay fulinta qorshayaasha adeega laydhka ee degmooyinka iyo tuulooyinka DDSI ayaa waxaa ka soo qaybgal gudiga kaabayaasha dhaqaalaha deegaanka oo ay ka mid yihiin wasiirada xafiisyada horumarinta deegaanka sida xafiiska waxbarashada, xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI , xafiiska caafimaadka DDSI, Xafiiska ganacsiga iyo gaadiidka DDSI, iyo xafiisyada kale ee horumarinta deegaanka, waxaa kale oo ka soo qaybgalay kulankan gudoomiyayaasha gobolada DDSI iyo masuuliyiinta ugu saraysa shirkada quwada korontada DDSI.
Wasiirka xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudne Axmed Cabdi Maxamed ayaa warbaahinta deegaanka ugu warbixiyay ahmiyada iyo ujeedooyinka kulankan wuxuuna sheegay in xukuumada DDSI dadaal xoogan ugu jirto midho dhalinta istaraatajiyada iyo qorshayaasha horumarineed ee bulshada deegaanka lagaga saarayo saboolnimada laguna gaadhayo wadamada uu dhaqaalahoodu meel dhexaadka yahay sidoo kalena wasaarada heer faderaal dhankooda looga baahan yahay in ay dar-dargaliyaan mashaariicaha horumarineed ee deegaanka ay ka wadaan gaar ahaan mashaariicaha laydhgalinta oo qayb-wayn ka ah hirgalinta hawlaha horumarka, wasiirka ayaa intaasi ku daray in kulankan xooga lagu saarayo sidii loo gufayn lahaa gol-daloolada ka jirta dhinaca adeega laydhgalinta gaar ahaan mashaariicaha laydhgalinta ee jigjiga ilaa dhagaxbuur iyo dhamaanbta tuulooyinka iyo degmooyinka DDSI ee laga wado adeega laydhgalinta.
Comments are closed