Malayshiyaad ka dhisan Libya oo xabsiga ka sii daayey Saif al-Islam Qadafi

Liibiya (estvlive) 11/06/2017

Jabhad ka dhisan dalka Libya ayaa xabsiga ka sii daayey Saif Al-Islam Qaddafi oo uu dhalay Hoggaamiyihii hore ee Libya Mucamar al-Qaddaafi.

Saif al-Islam ayaa ku xirnaa magaalada Zintan ee Koonfurta Libya tan iyo sanadkii 2011. Jamhadda sii deysey Saif ayaa ah kuwo ka soo horjeeda xukuumadda ka dhisan Tripoli.

 

Guutada Abubakar al-Sidiiq ee sii daysey wiilka Qadaafi dhalay ayaa bayaan ay soo saartey sheegtey in Saif al-Islam uu ka baxay magaalada Zintan ma aysan sheegin halka uu u dhaqaaqey waxayna sheegeen in a talaabadan u qaadeen wanaaga cafisku lee yahay dartiis iyo arrimo bini’aadanimo.

Warar ayaa sheegaya in Saif Islam uu gaarey magaalada Beida ooo qabiilkiisu ku xooggan yahay.

Saif Al-Islam ayaa ahaa nin saameyn weyn ku lahaa maamulkii aabihiis aana hoggaamiye talada wax ku leh. Maxkamadda Denbiyada ee Caalamiga ah ayaa u goysey waaran lagu soo xiro .

Maxkamad kale oo ku taala Tripoli ayaa dil ku xukuntey isaga oo amrkaas ku xirnaa Zintan oo aan gacantooda ku jirin.

Mucamar al-Qadaafi ayaa Libya hoggaaminaayey in ka badan 40 sano, waxaa xukunka laga tuurey oo la diley sanadkii 2011. Kadib dilkiisi Libya waxay u kala go’day gobolo ay kala xukumaan jamhado iska soo horjeeda.

Hoos ka eeg bayaanka ay soo saareen ee ku qoran Carabi

Comments are closed