Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Qatar (NHRC) ayaa heshey cabashooyin ka yimid dadka Qatariyiinta kuwaas oo sheegay in sanadkan laga horjeeegsadey Cimreysiga iyo acmaasha Xajka iyo weliba inayba tegi karaan Masjidka Xaramka.
Cali bin Smaikh al-Marri oo ah madaxa Komishanka xuquuqda aadanaha ee Qatar ayaa sheegay in tani tahay markii u horeysey ee dadka gelaaya Xaramka lagu kala saaro dhalashadooda, waana mid ka hor imaaneysa xuquuqda dadku u leeyihiin in ay gutaan waajibaadka diintooda.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qatar ayaa sheegay sababta ka danbeysa dagaalka intaas le’eg in lagu qaado dal walaal ah ay tahay guusha iyo hurmarka ay gaareen iyo u madaxbanaanidooda arrimaha dibadda oo walaalahood ka xumaadeen.
Waa arrin aan horey u dhicin, Sucuudiga oo siyaasad ahaan ay aad isaga soo horjeedaan Iran isla amrkaana cilaaqaadkii u jaray ayaan sidaan oo kale ku sameyn.
Masjidka Xaramka ayaa ah goob loo siman yahay sida qur’aanku sheegay, sidoo kale qur’aanka ayaa aad uga digey in dadka ku cibaadeysanaya Masaajida Allaah aan laga horjoogsan.
Comments are closed