RAJO wexeey jibaaxday fikarkooda ah in dib u hishiisiinta aay qaban doonto hoos laga soo bilaabi doono oo marka hore qabiilka dhaxdiisa eey dib u hishiisiintu ka dhaci doonto intaan loo gudbin qabaiilada is qabtay.
“Waxaan dhisi doonaa gudiyo, waxaana wada shaqayn doona odayaal dhaqameedkeena sharfta leh iyo wax garadka goob kasta oo dalkeena gudihiisa ah, Dib u hishiisntu waa in eey saamaysaa Soomalida qurbaha jira si awoodooda loo mideeyo ”
RAJO wexeey shirkii Jaraa’id ku soo qaateen in 11kii dib u heshiisiin oo horey loo sameeyay, 3 keliya oo eey Sommalidu lahayd ayaa guul laga gaaray, 8 kalana waa wada fashilmeen.
Arimaha la xiriira bad-baadinta qaranka , wexeey RAJO xustay in qatarha jira manta eey ugu weyn tahay musuq – maasuqa baahay oo masuuliinta qaranka lagu tuhmaayo, iyo damac shisheeyaha eey ka leeyihiin kaydka dhaqaale ee dalkeena oo eey rabaan in si raqiis ah eey uga iibsadaan madax aan damiir lahayn. “ Waxaan cirib tiri doonaa dhaqankan baahay oo ah.
XUKUN RAADSO AAD XOOLO YEELATIDEE”
Iyadoo taa laga hor tagaayo ayeey RAJO si tafatiran uga hadashay , qorshohooda ah in sharciga dalkeena iyo kan wadamada eey ka yimaadeen masuuliyiintaas eey ku cadaato fal danbiyeedkaas iyo waliba shirkadahaas shisheeyaha ah in eey dacwado ku furi doonaan iyadoo eey hawlahaas u diyaar yihiin garyaqaano Soomali ah iyo kuwa caawinaaya doona oo ajnabi ah.
“ Qof kasta oo Soomali ah oo sita waraaqo aqoonsi dal shisheeya ah oo u yimi Soomaliya in uu dhibaateeyo dadkan Soomaliyeed ee tabaalaysan,waxaan la tiigsan doonaa sharciga xaqiijin doona in waraaqaha aqoonsiga lagala noqdo, dabadeedna waxaa daba gal lagu samayn doona hantida eey lunsadeen , cid kasta eey ku qarsadeen , meel kasta oo eey maal gashadeen ama eey la shirkoobeen, waxaa sharciga dawladaha qarkood noo saamaxaayaa in hadii qofkaas dambiilha eey ku cadaato falkaas dhibkiisu waxyeeleeyay dad maata ah in la xiro mudo aan ka yarayn 8 sano, lagana manuuco in uu helo wax aala wixii xuquuq ahaa ee mawaadin ahaan uu u lahaa”
RAJO wexeey ka codsatay Soomaalida dalka gudihiisa joogta iyo cid kasta oo xog haysa in eey soo gudbiyaan 60 maalmood oo soo socda eey xogahaas eey hayaan si ummada looga qabto inta dhibka ku haysa dalkeenuna uu u badbaado.
Comments are closed