Norway oo mamnuuceysa Xijaabka iyo indhoshareerka

Sandnes 20160908.
Kvinner med hijab, muslimsk hodeplagg.
NB! MODELLKLARERT
Foto: Carina Johansen / NTB Scanpix

Norway (estvlive) 13/06/2017

Xisbi Xaakimka Xagjirka ah ee ka taliya hada dalka Norway ayaa wada sharci cusub oo iskuulada iyo xarumaha dowlada looga mamnuucayo xijaabka indhoshareerka ah ee wajiga qariya.

Qorshahan ayaa ku aadan in indhoshareerka aan lagu qaadan karin goobaha waxbarashada, arrintaasi oo ka horimaaneysa xiriirka la doonayo inuu dhexmaro ardayga iyo macalinkiisa sida ay sheegeen xisbiga diyaarinaya sharcigan.

 

Dalka Norway ayaa kamid ah dalalka Yurub ee aan ardayda ku khasbin darees u gaar ah balse sharcigan cusub ayaa ah mid si gaar ah ugu socda muslimiinta.

Sharcigan ayaa waxaa sidoo kale kamid ah in gebi ahaan la mamnuuco in Xijaabka ay xirtaan Kalkaalisooyinka ka shaqeeya isbitaalada iyo goobaha caafimaadka.

Qaar kamid ah dalalka Midowga Yurub ayaa horey sidan oo kale u mamnuucay in xijaabka indhoshareerka lagu qaato goobaha dadka isugu yimaado, halka wadamada qaar ay gebi ahaan mamnuuceen xijaabka iyo astaamaha diimaha.

Comments are closed