Kulan ay yeesheen saraakiisha sare ee militariga IRAN oo uu ka qeyb galay hogaamiye Khumeni ayuu ku sheegay in Maraykanka iyo xulafada uu ku leeyahay Bariga dhexe gaar ahaan Sacuudiga ay yihiin kuwa ka danbeeya aasaaska kooxda Daacish (ISIS).
“…Markuu Maraykanka leeyahay waxaanu la dagaalameynaa Daacish, waa beentiis isaga ayaaba abuuray….” ayuu yiri Khumeni oo sidoo kale cambaareeyey Boqortooyada Sacuudiga taageerada ay u fidiso kooxaha xagjirka ah.
Sacuudiga ayaa horey isaga fogeeyey inay wax lug ah ku lahaayeen weerarkii ugu horeeyey ee kooxda Daacish ku qaaday magaalada Tehran ee caasimada IRAN.
Madaxweynaha Iran Xassan Rouhani ayaa isagu sidoo kale cambaareeyey werarkii ka dhacay Tehran balse ka gaabsaday inuu wax eedeyn ah usoo jeediyo Maraykanka ama Sacuudiga.
Hadalada Khumeni ayaa kusoo beegmay xili Sacuudiga iyo xulafadiisa Khaliijka ay cadaadis saareen dalka Qatar oo ay ku sheegeen inuu yahay dal taageera kooxaha xagjirka ah.
Sacuudiga, Imaaraatiga, Baxreyn iyo Masar ayaa ku eedeenaya Qatar taageerada ay u fidiso ururka Ikhwaan Muslimiinka iyo Xamaas oo ka talisa dhulka Falastiin ee Marinka Gaza.
Dalalkaasi khaliijka ayaa sidoo kale Qatar ku eedeenaya in warbaahinta ay maalgeliyaan ee Aljazeera ay faro gelin ku heyso arrimahooda gudaha iyo kacdoonadii ka dhacay dalalka Carabta sida Masar oo dhawaan iyadu xirtay xafiisyada telefishinkaasi ku leeyahay wadankooda.
Comments are closed