Guddigu waxay sheegeen in dood iyo wada-tashi dheer ka dib ay guddigu isku raaceen lix qodobo oo ka mid ah talooyinkii ay soo jeediyeen Siyaasiyiinta, Aqooyahanadii, ururadda bulshadda iyo gollaha xukuumadda ee ka qaybgalay shirkii PDRC , qodobadaasi waxay kala ahaayeen.
Guddoomiye K/xigeenka Guddiga Doorashadda Maxamed Soofe Xasan wuxuu sheegay in guddigu ay barlamaanka u gudbin doonaan qodobada la xiriira lacagta laga qaadayo ururada iyo yaraynta tiradda taageerayaasha ururada ee goboladda, taasi oo ay sheegeen in barlamaanka oo kaliya uu go’aan ka gaari doono.
“Kordhinta mudda diiwaangalinta ururada waa shaqo u taal guddiga doorashadda, marka aan dib isugu laabano oo aan ka tashano ayaan soo bandhigi doonaa waqtiga lagu kordhinayo. mudadii hore waxay ku egtahay 25 bishan June 2017” ayuu yiri Guddoomiye Soofe.
Guddoomiyuhu wuxuu ugu baaqay siyaasiyiinta danaynaya inay hoggaamiyaan shacabka Puntland inay furtaan xisbiyo siyaasadeed, isagoo xusay inaysan isku xirnaan doonin doorashadda 2019ka ee Puntland iyo hanaanka axsaabta badan ee puntland.
Gabagabadii, Maalintii axadii ee toddobaadkan, Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ayaa ka qaybgalay shirkii wadatashiga Nidaamka axsaabta badan kaasi oo ay isugu yimaadeen Xukuumadda, guddiga doorashadda, ururadda bulshadda Rayidka, Aqoonyahano iyo siyaasiyiin caan ka ah Puntland.
Comments are closed