Madaxweynaha oo fuaray kalfadhiga xariga ka jaray hoolka baarlamaanka Puntland oo lagu sameeyey dib u casriyeyn, waxaana uu munaasimada Furitaanka kalfadhiga ka jeediyey khudbad dheer oo uu kaga hadlay wax qabadka xukuumadiisa ee mudadii u dhexaysey labada kalfadi ee 38aad iyo 39aad, Arrimaha Maaliyadda, Ilaalinta Hantida Dawladda. Arrimaha Guddaha, Gurmadkii Abaaraha, Arrimaha Caafimaadka, Beeraha iyo Waraabka, Arrimaha Deegaanka, Arrimaha Cadaaladda, Dekadaha, Garoomada Puntland, Arrimaha Ganacsiga, Arrimaha Qorsheyta iyo Xiriirka Caalamiga, Arrimaha Haweenka, Arrimaha Waxbarashada, Howlaha Guud iyo Gaadiidka, Dhismaha wadada Garoowe – Gaalkacyo, Xanaanada Xoolaha, Kaluumeysiga Puntland, Arrimaha Xisbiyada badan ee Puntland, Biyo dhaan Abaaraha Puntland iyo Heshiiyada Caalamiga ah.
Guddoomiayaha Baarlamaanka Puntland Mudane Ahmed Cali Xaashi ayaa isna dhankiisa ku dheeraaday wax qabadka golaha Wakiilada Dawladda Puntland mudadii u dhexeysey labada kal-fadhi, sidoo kale waxaa uu talobixin iyo baaq usoo jeediyey dawladda Fadaraalka Soomaliya kaasi oo ku saabsan arrimaha dib u habaynta Dastuurka Soomaaliya.
Kalfadhiga oo ku soo beegmay iyadoo si weyn loo qurxiyay hoolka barlamaanka ayaa waxaa kaloo khudbado kooban ka jeediyay kalfadhiga Wasiirka Dasuurka Federaalka Cabdi xoosh Jibril, islaam Ciise Islaam Maxamed, Guddoomiyaha Punsaa Faysal Qaran iyo dad kale oo lagu casuumay inay kalmado ka jeediyaan kullanka.
Comments are closed