Wasiir Xoosh oo Beeniyay In Wax laga Bedelay Dastuurka Federaalka

Muqdisho (estvlive) 16/06/2017

Wasiirka dastuurka dowladda federaalka Soomaaliya Cabdi Xoosh Jibriil ayaa beeniyay in wax laga bedelay dastuurka federaalka xilligii dowladii Xasan shiikh Maxamuud, wuxuuna ku tilmaamay borobagaando la Faafiyay.

Wasiir xoosh oo ku sugan Caasimadda Puntland ee Garoowe, ayaa hadalkan ka jeediyay Madal looga doodayay dastuurka Federaalka, su’aalana lagu waydiinayay, wuxuu sheegay in saddex jeer oo kaliya wax laga bedelay taasi oo ahayd ka hor doorashadii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

 

” Dastuurka hal mar ayaa wax laga bedelay, waxay aheyd 7 September, 2012, waxaa la bedelay khaladaad ereyeed  ka jiray dastuurka kaasi oo ahaa waqti barlamaanku waa 4 sanno, halka madaxweynahana laga dhigay 5 sanno, taasi oo la saxay lagana dhigay afar sanno labadaba” ayuu yiri

“waxaa kaloo la bedelay qodobka 9aad ee maqaamka caasimadda oo ahaa in go’aan laga gaari doono dib-u-eegis dastuur, gollihii sharci-dejintu waxay soo jeediyeen in la cadeeyo in caasimadu tahay Muqdisho, cod baa loo qaaday Waa la ansixiyay, kana saddexaad ee la bedelay wuxuu ahaa aqalka Sare oo meesha laga saaray sanadkii 2012 xiligii doorashadii hore” ayuu sii raaciyay.

Dhinaca kale, Wasiir Xoosh wuxuu ku  dhaliilay xukuumadii hore ee dowlada federaalka Soomaaliya inaysan waxba ka qaban dastuurka,  oo dhinac martay dastuurka markii la samaynayay maamul goboleedyadda dalka ka dhismay.

” Maamulada laga dhisay qaab siyaasadeed ayaa lagu soo dhisay, waa la garab maray dasuurka federaalka” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Dastuurka federaalka oo ah mid qabyo ah wuxuu soo jiitamayay tan iyo markii sanadkii 200o , markii dalka Jabuuti lagu qabtay shirkii dib-u-heshiisiinta Soomaaliya iyo shirkii ka dambeeyay ee dalka kiiniya  kaasi oo lagu doortay  Alle Ha u naxariistee Madaxweyne  hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Comments are closed