11-Qof dhimasho Kenya Qarax gaari Miino wada dhiniceeda lagu Aasay

Madax-waraabe (estvlive) 16/06/2017

Ugu yaraan afar qof oo shacab ah ayaa ku geeriyootay, 11 kalena waa ku dhaawacmeen ka dib markii baabuurkii  ay saarnaayeen ay ku qaraxday miino lagu aasay wadada dhinaceeda, deegaanka Madax-waraabe oo u dhow Lafey, una dhaxaysa Ceel Waaq iyo Mandera ee waqooyi bari ee dalkaasi Kiiniya.

Baabuurkan ayaa la sheegay inuu ka tagay magaalada Ceel-Waaq uuna kusii jeeday Mandera, waxaa Dadka dhintay  ku jiray Nin caaqil ah oo laga yaqaanay degaanka, waxaana loo qaaday dadkii dhaawacmay cusbitaalka Lafey

 

Waxaa laga shakisan yahay in miinada ku qaraxday Baabuurka ay wadada ku aaseen ururka Al-shabaab oo dagaal ku jira ciidamadda Kiiniya ee ka howlgala koofurta Soomaaliya

Guddoomiyaha gobolka waqooyi bari Maxamuud Saalax ayaa sheegay in saddex ka mid ah dadka dhintay ay isla goobta ku geeriyoodeen, waxaa kaloo uu sheegay in dadka qaarkii ay qabaan dhaawacyo halis ah

“Baabuurkan wuxuu isticmaalay wado looga digay in dadka shacabka ahi ay adeegsadaan, waxaan ku xaqiijinaya in afar qof ay ku dhinteen qaraxan, 11 kale ku dhaawacmeen,wadadan waa khatar waxay u dhowdahay xuduuda” sidaas waxaa warbaahinta kiiniya u sheegay guddoomiyaha

Bishii aynu soo dhaafnay ee May, ilaa 30 qof oo 2o kamid ah ay yihiin ciidamadda booliiska kiiniya ayaa ku dhintay miinooyin lagu aasay wadada dhinaceeda iyo weerar kale  oo la aamisan yahay in ay soo qaadeen ururka Al-shabaab.

Comments are closed