Tartanka Qur’aanka Kariimka oo Garoowe lagu soo xiray, Madaxweynaha Puntland oo ka qaybgalay

Garowe (estvlive) 18/06/2017

Munaasabad lagu xusaayo tartanka qur’aanka Kariimka ee gobolada Puntland ayaa lagu qabtey caasimadda Puntland ee Garoowe. Tartankan ayaa ah mid sanadkasta la qabto bisha Ramadaan.

Xafladdii xiritaanka oo ka dhacdey Masjidka weyn ee Al-Huda ee magaalada waxaa ka qaybgalay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali, Wasiirka Caddaaladda iyo awqaafta Saalax Xabiib Jaamac waxaana Ardeydii ka qaybqaadatey tartanka ee guuleysteya lagu guddoonsiiyey abaal marin kala duwan.

 

Tartanka ardeyda ayaa loo qaybiyey afar kuwaas oo qaarba in ay qur’aanka kariimka inta ay ka xifdisan yihiin ay ku tartamee, waxaana jaa’isa ugu sareysa qaatey ardeygii ku guuleystey  tartanka dhamaan qur’aanka oo dhan.

Saddexda ardey ee  kaalimada ugu saraysa galay ayaa ahaa:

30 jus

  1. Ciise Cabdi Nuur ka socdey Dugsiga Abii Ayuub Degmada Qardho
  2. Cabdisalaam Axmed ka socdey Dugsiga Xikma Degmada Dangorayo
  3. Axmed Maxamed ka socdey Dugsiga daarul qur’aan ee degmada Waaciye Waaciye.

20 Jus

  1. Sakariye Warsame ka socdeu Dugsiga Ibnu baas  degmada Carmo
  2. Adam Sh. Xasan ka socdey deugsiga Daarul-hudaa degmada Qardho
  3. Cabdirashiid Jaamac ka socdey Dugsiga  Ibnu baas  degmada Boosaaso

10 jus

  1. Maxamed Xaashi ka socdey Dugsiga Abii Ayuub degmada Qardho
  2. Khaalid Shiikh Daahir ka socdey dugsiga Daarul Qur’aan Boosaaso
  3. Cabdulwaduud  Cumar ka socdey dugsiga Ibnu Baas Degmada Carmo

5 Jus

  1. Ibrahim ka socdey dugsiga Daarul Qur’aan Boosaaso
  2. Khaliil Axmed ka socdey dugsiga Abii Ayub qardho
  3. Cabdiraxman Faarax ka socdey dugsiga Ibnu baas degmada Carmo

Madaxweynaha Puntland ayaa ku amaanay waalidka dhalay caruurta ka qayb qaadatay tartanka iyo macalimiinta wax soo baray sida wanaagsan ee ay usoo gacan qabteen una soo barbaariyeenb caruurtooda qur’aanka dusha ka xifdiyey.

“…Mahad waxaa iska leh intii soo qaban qaabisay xafladda, mahad waxaa iska leh macalimiintii wax ssoo baray dhalinyarada tartanka ka qayb qaadatay, mahad waxaa iska leh waalidiintii sida wanaagsan u barbaariyey, dedaalka geliyey inay soo saaraan jiil wanaagsan oo akhalaaqiyaad fiican leh iyana aad iyo aad bay u wanaagsan yihiin”. ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa guddiga ka codsadey sanadkan wixii ka danbeeya in ay qabtaan tartan gabdhaha ah, oo iyagana waxbarashada iyo qur’aanka lagu dhiiri geliyo ee aan laqaban keliya wiilasha.

Guddiga tartanka qur’aanka ayaa Madaxweynaha guddoonsiiyey shahado abaal marin ah, taas oo ay ugta mahad celinayaan dhiirigelintiisa isaga oo sanadkatsa kala soo qaybgala munaasabadda tartanka qur’aanka kariima ee gobolada Puntland.

Comments are closed