Libya: Ciidamada Haftar oo gubay in ka badan 6 kun oo buug!

Libiya (estvlive) 19/06/2017

Ciidamada Jeneraal Khalifa Haftar ee gacanta ku haya magaalada Benghazi ee bariga dalka Liibiya ayaa gubay kumanaan buug ka hadleysa diinta Islaamka.

Jeneraal Haftar ayaa taageero militari iyo maaliyadeed ka hela dowlada Cabdifatax Al Sisi ee Masar iyo Imaaraadka Carabta.

 

Buugaagta la gubay ayey sheegeen inay faafinayeen fikirka xagjirnimada iyo Daacish waa sida ay hadalka u dhigeenee. Waxay sidoo kale sheegeen in buugaagtan ay ku saleysan yihiin fikirka Ikhwaan Muslimiinka.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in buugaagta la gubay ay ku jiraan kuwo ka hadlaya fiqiga iyo waliba taariikhda Nebi Maxamed SCW.

Maaha markii ugu horeysay oo ay ciidamadan gubaan buugaag, bishii Janaayo ee sanadkan ayey sidan oo kale gubeen buugaag kale oo ay sheegeen inay kasoo horjeedaan diinta islaamka oo ay ku jiraan buugaag ay sheegeen in lagu faafiyo sixirka iyo ficilada xun xun.

Comments are closed