Maraykanka ayaa ku eedeeyey diyaaradan dowlada Siiriya inay duqeysay nawaaxiga saldhigyada xoogaga Kurdida iyo Sunnida ee uu Maraykanka u hubeeyey inay la dagaalamaan kooxda Daacish, kuwaasi oo hada ku hareeraysan magaalada Raqqa.
Ciidamada dowlada Siiriya ee Bashar Al Assad ayaa iyaguna wada dhaq dhaqaaq ay doonayaan inay ku qabsadaan magaalada Raqqa taasi oo keenaysa iska horimaad ay la galaan ciidamada kale ee taageerada ka hela Maraykanka.
Xukuumada Siiriya ayaa xaqiijisay in laga soo riday diyaarad ay sheegeen in ay duqen ku waday xarumaha kooxda Daacish ee Raqqa, isla markaana duuliyihii waday aan illaa iyo hada la helin meel uu ku danbeeyey.
Comments are closed