Mukhtaar Roobow oo Maraykanku Ka Saaray Liiska Argagixisada.

Mareykanka (estlive) 24/06/2017

Wasaaradda arrimaha dibada ee dalka maraykanka ayaa Mukhtaar Roobow Abu-mansuur waxay ka saartay Liiska argagixisada, iyadoo dib ula laabatay Abaalmarin lacageed oo madaxiisa la saaray.

Mukhtaar Roobow oo hore u ahaa k/xigeenkii hoggaamiyihii ururka Al-shabaab ee Axmed Godane, marna noqday Afhayeenka ururka, ayaa dowladda maraykanka  sanadkii 2012ka waxay ku dhawaaqday lacag 5 milyan oo dollar oo ay ku bixinayso xog suurtagalisa in cadaalada la horkeeno mukhtaar Roobow

 

Abu mansuur ayaa la aamisan yahay in sanadihii u dambeeyay uu dhuumaalaysi ku jiray ka dib markii ay isku dhaceen Amiirka Al-shabaab, wuxuuna ku noolyahay magaalada Abal oo ku taala koonfurta degmadda Xudur ee maamulka Koonfur Galbeed, waxaana uu haystaa ciidamo daacad u ah oo u badan beeshiisa.

Photo published for US Drops Reward Offer for Former al-Shabab Leader

US Drops Reward Offer for Former al-Shabab Leader

State Department had offered $5M for information that would bring Mukhtar Robow to justice

voanews.com 33 Retweet likes Twitter Ads info and privacy

 Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama hadlin liiska argagixisada ee laga saaray Mukhtaar Roobow, sidoo kale ma jirto wax war ah oo ka soo baxay  Roobow.

Hogaamiyihii hore ee ururka Al-shabaab oo ay si weyn isaga soo horjeedeen Abu mansuur ayaa ku geeriyooday gantaal uu soo riday Maraykanku sanadkii 2014ka .

Comments are closed