Madaxwaynaha ayaa ugu bishaareeyay muslimiinta in ay farxad ku ciidaan isaga oo Allaah uga baryay muslimiinta oo dhan in laga aqbalo khayraadkii bisha barakaysan ee Ramadaanka ay cibaadaysanayeen ajri iyo xasanaadna kala kulmiyo soonkii bishii barakaysneed ay soomanaayeen.
Madaxwaynaha DDSi ayaa dhamaan muslimiinta ugu baaqay in maalinta ciida farxada lala wadaago dadka danyarta lana caawiyo walaalaha muslimiinta ah qofkastana uu ka warhayo walaala muslimiinta danyarta ah ee dariskiisa la ah.
Comments are closed