“Waxaan ka xumahay inay jiraan dad dariskeena ah oo aad moodin in ay taageerada alshabaab ay wakhti ku iibsanayaan,Waan ka xumahay, waxaan u sheegaya Soomaalidu waxay tiri nin Abeeso koriyow adiga u aayi doona, cida u danbeysa oo Shabaab dhibaateynaysa inay tahay kuwa iyagu hada miciin biday ama raba in ay anaga nagu dhibaateeyaan, weeye kuwa runtii dhibtu ku danbeyn doontaa sidaasaan u sheegaya” ayuu yiri Madaxweyne Gaas
wuxuu sheegay inuu doonayo in Puntland ay dariskeed kula nolaato nabad, waxaana uu ugu baaqay maamuladda deriska ah in aan la isku taageerin, oo aan la isku adeegsan ururka Al-shabaab
“inaan la isku fidneyn Shabaab, oo la isku taageerin ayaan anigu ku baaqayaa. sababtoo ah waxa weeye cid ay Shabaab bad baadinayaan iyo sharwadayaal ma ay jirtee, dhibtu waa ay taaban doonta cidkastoo isku dayda inay wakhti ku iibsato” ayuu yiri
Madaxweyne Gaas wuxuu gabagabadii hadalkiisa ugu baaqay ummada Soomaaliyeed inay nabadgelyadooda ilaashadaan oo iska kaashadaan la dagaalanka waxa uu ugu yeeray cadowga dhibaatadda ku haya
“waxaan umaleynaya Puntland waaba ugu yartahay inta dhibta ay ku hayaan Soomaaliya, Marka Soomaali meelkasta oo ay joogto in aan iska kaashano cadowgaasi dalka kusoo duulay oo mujrimiinta ah inaan meel uga soo wadajeesano, Waana ka adkaan doonaa Inshallah, Soomaaliya oo mid ah oo meel uwada jeeda ayaan rajeynaya inshallah wakhti aan dheerayn” ayuu yiri
Dowladda Puntland waxay hore ugu eedaysay maamulka Somaliland inay taageera dhaqaale iyo mid gabaad ah siiyaan ururka Al-shabaab ee ka dagaalama buuraha Galgala ee gobolka bari, eedayntaasi oo ay iska fogaysay maamulka Hargaysa ee Somaliland.
Ururka Al-shabaab ayaa 8dii Bishan June waxay weerar gaadmo ah ku qaadeen Xerada Ciidamada Puntland ee Af-urur ee gobolka bari halkaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 50 qof oo isugu jiray askarta Puntland iyo dad rayid ah oo deganaa tuulada Af-urur. dowladda Puntland waxay u saartay guddi soo qiimeeya khasaaraha ka dashay weerarkaasi, kuwaasoo dhawaan la filayo inay shaaciyaan warbixintooda.
Comments are closed