Micheal Keating oo Boggaadiyay Waxqabadka Xukuumadda Federaalka

Muqdisho (estvlive) 03/07/2017

Wakiilka Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Micheal Keating oo shalay kullan magaaladda muqdisho kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ammaanay waxqabadka xukuumadda mudada kooban ee ay jirtay.

Wuxuu sheegay in madaxda dowladda federaalka uu la yeeshay wadahadalo miro dhal ah, wuxuuna tilmaamay in dowladda  ay ka go’antahay inay hormariyaan amniga dalka,gaar ahaan xasilinta caasimadda dalka, caqabad kasta oo ka hortimaada.

 

” waxaan ka wadahadalnay in shaqooyin loo abuuro dhalinyaradda, doorka ganacsiga iyo ganacsatada iyo ku dhiirigalinta iyo wacyigalinta dhalinyaradda ee shaqooyinka dowladda” ayuu yiri Micheal Keating

dowladda Federaalku, toddobaadkii hore waxay soo bandhigtay warbixin ay ku sheegtay in aad hoos ugu dhaceen qaraxyada iyo dilalkii qorshaysnaa ee ka dhici jiray Caasimadda muqdisho marka loo eego sanadkii hore, waxaana tallaabadooyinka dowladda boggaadiyay wakiilka qaramadda midoobay Micheal Keating, safiiradda maraykanka iyo Midowga yurub u qaabilsan arrimaha Soomaliya

Comments are closed