Shirka midowga Africa oo maanta ka furmaya magaalada Addis Ababa

Addisababa (estvlive) 03/07/2017

Magaalada Addis Ababa ayaa maanta lagu waddaa in uu ka furmo shirkii caadiga ahaa ee madaxda midowga Africa.

 

Shirkan caadiga ah ee madaxda iyo dowladaha ee midowga Africa ayaa mid ka mid ah shirarka Midowga Afrika, waana shirka labaad ee ururka uu yeesho sanad walba, marka laga soo tago shirka guud ee Madaxweynayaasha ee sanadlaha ah.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galaya inta badan madaxda Qaaradda Africa, waxaana shallay gaaray magaalada Addis Ababa madax ay ka mid yihiin madaxweynayaasha dhowr dal oo ku yaalla qaaradda Africa sida madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle Madaxweynaha Rwanda Pual Kagame.

Soomaaliya ayaa shirkaan waxaa uga qeyb galaya ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, waxaana lagu waddaa in uu shirka ka jeediyo khudbad dheer oo uu kaga hadlaayo xaaladda Soomaaliya iyo sidoo kale dhibaatootinka ka jira qaaradda Africa.

Shirkaan ayaa sidoo kale waxaa diirada lagu saaraya xiisadda ka dhex taagan Jabuuti iyo Elataria.

Comments are closed