Muqdisho: Koox hubeysan oo weerar ku qaadey Wasaaradda Gaashaandhigga

Muqdisho (estvlive) 06/07/2017

Koox hubeysan ayaa habeenkii xalay weerar ku qaadey Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, ee magaalada Muqdisho.

Rasaas xooggan iyo weliba baaskuuyalaal ayaa laga maqley habeenkii xalay oo ka dhacaysey aaga Wasaaradda. Kooxda Weerarka soo qaadey ayey u suurta geli weydey in ay galaan gudaha Wasaaradda waxaana si weyn isaga difaacey ciidamadii ku sugnaa halkaas, sida laga soo xigtey xog ku dhaw Wasaaradda.

 

Inta la ogyahay hal qof ayaa ku geeriyoodey dhawr qof oo kalena waa ku dhaawacmeen.

Lama aqoonsan kooxda weerarka ahayd, mana jirto cid laga qabtey, sida  saraakiil ka tirsan ciidanka laga soo xiganaayo.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaan si rasmi ah uga ahdlin waxa xalay ka dhacay iyo weerarka lagu qaadey.

Comments are closed