Mexico (estvlive) 07/07/2017
Meydadka maxaabiista la dilay ayaa laga helay goobo kala duwan oo xabsi kamid ah, waxaana la sheegay in qaar kamid ah kooxaha halkaasi ku dagaalamay ay isticmaalayeen mindiyo iyo waliba bistoolado, iyadoo aan weli la sheegin qaabka ay hubka ku heleen maxaabiista halkaasi ku xirneyd.
Ciidamo isugu jira Booliis iyo militari oo goobtaasi la geeyey ayaa la wareegay gacan ku heynta xabsigaasi, boqolaal ehelada maxaabiista ah oo goobtaasi tagay ayaa loo diiday inay xabsiga booqadaan si ay u ogaadaan inay noolyihiin dadkooda.

Dowlada Mexico ayaa sheegtay in ay dhacdadan baari doonto waxaana baaritaan lagu bilaabay qaar kamid ah illaalada xabsigaasi ku sugnaa oo la rumeysan yahay inay la shaqeysan jireen kooxaha burcada awooda ku dhex lahayd xabsigaasi.

Waa khasaarihii ugu badnaa oo ka dhasha dagaal ka dhex dhacay xabsiyada Mexico oo intooda badan buuxaan, waxaana caado ka ah dalkaasi in maxaabiista ay in badan maamushaan gudaha xabsiyada lagu hayo, iyagoona koox koox isu dagaala si ay u helaan awoodo dheeraad ah.
Bishii Feberaayo ee sanadkii tagay 2016 ayey 49 maxbuus ku dhinteen dagaal gacanta la isula tagay oo ka dhacay xabsiga Topo Chico oo ku yaal Monterrey, waqooyi bari dalkaasi Mexico.
Comments are closed