Xafladdan oo ay qeybaha bulashada, madaxda gobolka iyo ardada intuba ka soo qeybgalaan waxaa soo abaabulay isla markaana soo waday mudo 9 sano ah Hay’ada SomaliCAN, oo ah hay’ad u adeegta bulshada, waxaana laf dhabar u ah Prof. Jibril Mohamed iyo Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya Dr. Abdinur Sh. Mohamed.
Intii ay socotay xafladan dhiirogalinta ah waxaa ka hadlay masuuliyiin, waalidiin, macallimiin, Aqoonyahanno, culumo, iyo dad waxbadan ku soo jiray waxbarashada kuwaas oo ardada Soomaaliyeed ku dhiirri-galinayay in ay sii laba jibbaaraan dadaalkooda isla markaana ay gaaraan yoolka noloshooda oo ku xiran ka mira dhalinta dadaalka ay soo bilaabeen.
Waxaa goobta ka hadlay qaar ka mid ah madaxda dowladda gobolka Ohio, gobolka iyo heer qaran Waxana markii ay tilmaamayeen Ahmiyadda Aqoonta ay muujiyeen in aqoonta lagu gaaro himilo walba oo aad ku taamayso.
Doorka waliidiinta Soomaaliyeed ayaa lagu tilmaamay mid aan qarsoomi karin iyada oo loo mahad celiyay waalid walba oo ubadkiisa gaarsiiyay meel uu ka sii soconkaro.Waxaana Hadiyado muhiim ah la gudoonsiiyay walidiinta ardadoodu dhamaysatay waxbarashada.
Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ka soo qeybgasha xafladan sanadwalba waxa ay ka helaan deeqo waxbarasho iyo dhiiranaan ay ku sii wataan waxbarashadooda. Deeqaha waxbarasho waxaa gacan weyn ka geysta qareennada Flickinger Legal Group oo muddo dheer la shaqaynayay bulshada Soomaaliyeed.
Taageerada iyo deeqaha waxbarasho ee ardaydan la siiyay waxaa gacan ka geystan meherado Soomaaliyeed iyo kuwo Soomaalida la shaqeeya oo ay ka mid yihiin:
Flickinger Legal Group, Fifth Third Bank, Focus, FCCS, CareSource, Columbus CRC, OSU AAAS, the Buckeye Ranch, Zenith Academy, OSU Social Work, Denison University, Hiiraan Online, Midnimo Middle, Columbus Zoo, United Way, MAS, Twinkle Star, Enhanced, Khadra, Soofe, Abdinur, SomaliCAN, SSA, OSU Somali Studies Program.
Barnaamijka qalinjebinta iyo deeqaha waxbarashada Ohio ayaa loogu talagalay in lagu muujiyo dedaalka dheeriga ah ee ardada iyo waaliddiinta Soomaaliyeed ka sameeyaan dhanka waxbarashada. Xafladda qalinjebinta ayaa ku soo dhammaatay farxad iyo rayrayn iyada oo waaliddiinta iyo madaxda bulshadu hambalyo iyo bogaadin u jeediyeen ardada ku guulaysatay deeqaha waxbarasho iyo dhammaan ardada ka baxday dugsiyada sare iyo jaamacadaha Ohio sannadkan 2017
Comments are closed