Goobihii ay dadku hore iskugu diiwaangaliyeen ayaa dhawr meelood loo kala jabiyey si aanay dadku safaf dhaadheer u galin, haseyeeshee, carqaladda kaliya ee jirta waxay noqotay in dadkii ku soo lugoyeen goobtii markii hore iska diiwaangaliyeen oo aanay ogayn in la kala jabiyey, taas oo marka saf dheer u galaan ee goobtii gaadhaan loo sheegayo in aanay goobtan kaadhkiisu oolin ee goob kale loo tilmaamayo, taas oo dadka qaar ku abuuray jahawareer, inkastoo markii dambe goob walba lagu dhajiyey waraaq tilmaamaysa goobtan magacyadda laga helayo magac walba xarafka ugu horeysa lagu dhajiyey si aanu qofku ugu lug’gin goob aan goobtiisa ahayn, qofkii inta aanu safka galin wuxuu eegaya waraaqda gidaarka lagu dhajiyey inuu magaciisu ka bilaabmayo, haddii aanu ka bilaabmayna wuxuu tagay goobta kale u dhow.
Dhinaca kale, madaxweyne ku xigeenka iyo madaxda saddexda xisbi waxay kaadhadhkooda ka qaateen xarunta hay’adda shaqaalaha, waxaanay dadweynaha usoo jeediyeen inay qaataan kaadhadhkoodda.
Sidoo kale, labadda xisbi ee WADDAN iyo Kulmiye ayaa loolan adagi ku dhexmarayaa gobolka Togdheer, waxaanu xisbi waliba deegaanka ay ku badan yihiin taageeraayashiisa maahee deegaanka ka soo horjeedda taageerayaashoodu ku badan yihiin beegsanayaa si uu codad uga soo helo taageerayaasha musharaxa uu la tartamayo taageerayaashiisa, waxaanay kulamo gaar gaar ah la leeyihiin cuqaasha iyo dhalinyaradda gobolka Togdheer.
Xisbiga UCID ayaa isna labada xisbi ee kale ku eedeeyey inay ka baxeen anshixii ay kala saxeexdeen ee ahaa in aanu wali loolankii bilaabmin, isla markaana aan lagu soo dhoweyn Karin calamo xisbi, waxaanay Guddida doorashooyinka u gudbiyeen cabasho ah in labadda xisbi ee kale kaambayn dhexgaliyeen qaadashada kaadhadhka codbixinta,taas oo ka hor imanaya qodobaddii saddexda xisbi ku heshiiyeen in aan loolan la galin goobaha diiwaangelinta ka socoto
Comments are closed