Ivanka Trump oo muddo kooban meteshey Madaxweynaha Maraykanka shirkii G20, caalamka oo la yaaban

Hamburg (estvlive) 09/07/2017

Waxaa caalamka xorta ah iyo dalalka G20 ay si weyn ula yaabeen fal ay ku kacdey gabadha uu dhalay Madaxweynaha dalka Maraykanka ee Ivanka Trump, kadib markii ay muddo kooban shir ay lahaayeen dalalka G20 ay bedeshey aabaheed kuna fadhidey kursigiisi, magaalada Hamburg ee dalka Jarmalka.

 

Ivanka Trump ayaa u dhaxaysey Madaxweynaha Shiinaha Xi Junping, Raysalwasaaraha Turkiga Raccep Erdogan, Raysalwasaaraha Britian Theresa May iyo weliba Angela Markel.

Ivanka oo muddo kooban ahayd Madaxweynaha Maraykanka shirkii G20

Aqalka cad ayaa faahfaahin ka bixiyey sababta qof aan la dooran, isla markaana ah gabadhii Madaxweynuhu ay ugu fariisatey kursigii Madaxweynaha iyada oo dhinac fadhida hoggaamiyaasha caalamka. Warka Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in Ivanka ay fadhidey gadaal, laakiin markii Donald Trump uu banaanka u baxay si uu ula kulmo hoggaamiyaal kale ay iyadu sii fariisatey.

Kulanka Trump isaga abxay ee Gabadhiisu u meteshey, ayaa looga hadlaayey Afrika, taas oo la is weydiinayo siyaasadda Trump ee Afrika heerka ay taagan tahay.

Ivanka Trump ayaa canbaareyn kala kulantey falka ay ku kacdey waxaana baraha bulshada is qabsadey in qof aan la dooran uu metalayo dalkii ugu awooda iyo dhaqaalah weynaa dunida.

Mid kamid ah ergooyinka Ruushka uga qaybgalaysey shirka oo lagu magacaabo Svetlana Lukash (@lanalukash) ayaa sawirka Ivanka oo ku fadhida booskii Madaxweynaha soo dhigtey Twitter-ka laakiin waa ay ka saartey sabab aan la aqoon inkasta oo sawirku uu yahay mid si weyn loogu daabacay warbaahinta Maraykanka oo ay ka mid tahay Buzzfeed.

Ivanka Trump iyo saygeeda Jared Kushner ayaa labudaba la taliyaal sare u yihiin Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Comments are closed