Shirkii G20: Maraykanka oo kali ku noqday diidmada heshiiskii Cimilada ee Paris

Jarmalka (estvlive) 09/07/2017

Shirkii 20ka wadan ee ugu dhaqaalaha badan caalamka ayaa shalay lagu soo gaba gabeeyey magaalada Hamburg ee dalka Germany, waxaana qodobada ugu muhiimsan ahayd in la dar dar geliyo heshiiskii calaamiga ahaa ee illaalinta Bay’ada kaasi oo ay xukuumada Maraykanka ee Trump sheegtay inay isaga baxday bishii lasoo dhaafay.

Dhamaan dalalka ka qeyb galay shirka G20 ayaa sheegay in ay muhiim tahay dhaqan gelinta heshiiskii Paris ee lagu qeexayey in hoos loo dhigo saameynta xun oo ay warshadaha dalalka horumary ku leeyihiin bay’ada iyo cimilada isbedalaysa ee caalamka.

 

Trump oo isagu sheegay in heshiiskaasi uu yahay mid dhaawacaya dhaqaalaha Maraykanka iyo warshadahooda ayaa go’adoon siyaasadeed ku galay shirka G20 kadib markii 19kii wadan oo kale sheegeen inay dhaqan gelin doonaan heshiiskaasi inta badan dalalka caalamka ay ku saxiixeen magaalada Paris ee dalka France sanadkii 2015.

Qodobada kale ee shirka kasoo baxay ayaa khuseeyey xoojinta Suuqa xorta ah ee caalamka, qodobadaasi oo laftooda u muuqday inay jawaab u tahay hadalada kasoo yeerayey Madaxweynaha Maraykanka Trump oo isagu marar badan ka hadlay in dalal badan oo caalamka kamid ah ay la wareegeen suuqyada Maraykanka, sida dalalka Germany, China iyo Japan oo dhaqaale badan ka hela badeecadaha ay ka iibiyaan Maraykanka.

Shirkan ayaa waxaa sanadkan hareeyey mudaharaadyada rabshadaha wata oo ka dhacay magaalada Hamburg oo xaalad adag ku jirtay labadii maalmood ee lasoo dhaafay.

Comments are closed