Xafiiskan oo ay ka howlgali doonaan 9 nabadoon waxaa si wadajir u furay Gudoomiyaha gobolka Bari Yuusuf maxamed Wacays Dhado iyo Wasiiru Dowlaha Wasaarada Amniga ee Puntland iyo Agaasimaha laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha ee DFS.
Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays ayaa sheegay in xafiiskan la sameeyay ka dib markii la ogaaday in dad badan oo ajnebi ah ay si khaldan ku qaateen basaboorka Soomaaliga
“ xafiiskan oo ay keentay baahi jirta, waxaana codsatay hay’adda socdaalka, waxaana looga gol leeyahay in bassporku uusan ku dhicin gacan ajnebi” ayuu yiri axmed Cabdullaahi Maxamed oo ka tirsan Hay’adda Jinsiyadaha federaalka.
Gudoomiyaha Gobolka bari yuusuf maxamed wacays dhado oo furitaankii Xafiiska ka hadlay, wuxuu sharaxaad ka bixiyay nabadoonadda ka howlgali doono iyo shaqada ay qaban doonaan
“Xafiiskan waxaa ka howlgali doona 9 kamid aha nabadoonada gobolkan oo kala matalaya qabaailada dagan gobolka Bari iyo dadka ka soojeeda Maamulka koonfur galbeed ee soomaaliya, waxay hubinayaan oo kaliya inuu Soomaali yahay iyo in kale” ayuu yiri guddoomiye dhaddo
Masuuliyiintii ka hadashay furitaankii Xafiiska loo bixiyay isir-raaca muwaadiniinta kama ayan hadlin in lacag laga qaadi doono qofka adeeg u doonto xafiiskaasi iyo in kale. xafiiskan wuxuu noqonayaa kii u horreeyay ee noociisa ah ee laga furo degaamadda Puntland.
Comments are closed