USA: Fetullah Gulen oo sheegay inuusan cabsi ka qabin in loo gacan geliyo Erdogan

Mareykanka (estvlive) 12/07/2017

Wadaadka Hogaamiyaha kooxda kasoo horjeeda Madaxweynaha Turkiga Erdogan ee ku nool dalka Maraykanka ayaa wareysi uu bixiyey uga hadlay warar sheegaya inuu qorsheenayo inuu u baxsado dalka Canada.

Fetullah Gulen oo ku nool dalka Maraykanka ayaa waxaa lagu eedeeyey inuu ka danbeeyey inqilaabkii militari ee fashilay oo bishii July sanadkii hore ka dhacay dalka Turkiga.

 

Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa marar badan ka codsaday dowlada Maraykanka inay usoo gacan geliso Wadaadkaasi oo horey usoo ahaan jiray nin ay saaxiibo yihiin Erdogan.

Wareysi lagu soo beegay sanad guuradii inqilaabkii fashilay ee Turkiga ayuu Gulen siiyey wakaalada wararka ee Reuters. Isagoona beeniyey inuu u guuri doono dalka Canada maadaama uu ka cabsi qabo in xukuumada Trump u gacan geliso Erdogan, wararkaasi oo uu ku tilmaamay been abuur.

“….Hadii dowlada Maraykanka ay ii gacan geliso Erdogan, arrintaasi kama hor imaan doono waana aqbali doonaa….” ayuu yiri Gulen oo sheegay inuusan meelna uga socon dalka Maraykanka.

Dowlada Maraykanka ayaa illaa iyo hada ka gaabsaneysa inay ninkan u gacan geliso Xukuumada Turkiga, iyadoona ka codsatay Turkiga inay cadeynmo dheeraad ah usoo gudbiyaan hadii ay doonayaan in Gulen loo tarxiilo wadankiisa.

Comments are closed