Maraykanka iyo Qatar oo wada saxiixday heshiis la dagaalanka maaligelin argagaxisada

Qatar (estvlive) 12/07/2017

Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka Rex Tillerson oo booqasho ku maraya dalalka Khaliijka ee xiisada ka dhex taagan tahay ayaa ku wajahan dalka Sacuudiga.

Tillerson iyo Wasiirka arrimaha Dibada ee Qatar ayaa wada saxiixay heshiis iskaashi ah dhanka la dagaalanka dadka ama hay’adaha maalgeliya kooxaha argagaxisada, kadib kulamadii ka dhacay Doxa oo looga hadlayey xiisada Khaliijka.

 

Xulafada Sacuudiga ee xayiraada saaray Qatar ayaa ku eedeeyey Qatar inay maalgeliso kooxaha argagaxisada oo arrintaasi si adag u beenisay.

Dowlada Qatar ayaa sheegtay in iskaashiga la dagaalanka maalgelinta argagaxisada ay tusaale u tahay inay wax badan dhanka la dagaalanka argagaxisada uga horeyso Xulafada Sacuudiga ee iyada eedeynta ku haya.

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Qatar Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa ugu baaqay Sacuudiga inuu saxiixo heshiiskan oo kale ee la dagaalanka maalgelinta argagaxisada hadii ay ka dhabtahay inay la dagaalamayaan argagaxisada caalamka.

Sacuudiga ayaa heshiiska Qatar iyo Maraykanka ku tilmaamay “tilaabo dhinaca fiican loo qaaday” balse ku filneyn arrintan ay xal u noqoto xiisada hada ka dhex taagan wadamada Khaliijka.

Comments are closed