Xukuumadda Kheyre oo shirkoodi caadiga ahaa ku yeelanaya meel Muqdisho ka baxsan

Muqdisho (estvlive) 12/07/2017

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shirkoodi caadiga ahaa ee khamiis kasta ku yeelanaya magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee Jubaland.

Safarka golaha Wasiiradu ku tegi doonaan Kismaayo ayaa noqon doona mid dhanka cirka ah, waxaana golaha xukuumadda iyo shaqaalahoodaba qaadaya laba diyaaradood.

 

Shirkan ayaa noqonaya kii u horeeyey ee Xukuumadda Kehyer ay ku yeelanayaan meel ka baxsan Muqdisho, waxaana intiisa badan diirada lagu saari doona wada shaqeynta dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, baahida ka jirta Jubaland iyo arrimo kale oo la xiriira amniga.

Safarka golaha xukuumadda ayaa ku kici doona kharash badan, waxaana ay kireysanayaan laba diyaaradood oo dib u soo celin doona.

Comments are closed