Golaha Aqalka Sare ayaa metala Dowlad goboleedyada dalka ka dhisan waxaana ay ka kooban yihiin 54 Xildhibaan. Shaqada ugu badan ee laga sugaayo ayaa ah hindise sharciyeed u dhaxaynaya Dowladda dhexe iyo Dowladaha xubnaha ka ah.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa u jeediyey khudbad uu uga hadlaayo shaqooyinka horyaala dowladiisa, wada shaqeynta doweladda iyo laama sharci dejinta iyo arrimo kale oo ku saabsanx asilinta dalka iyo la dagaalanka ururka al-Shabaab.
Xildhibaanada Aqalka sare ayaa ku shir a xarun kumeel gaar ah oo Dowladda Turkigu dhistey, taas oo ku dhaw halkii la oran jirey Baar Fiat.
Kalfadhigii hore ayaa Xildhibaanada Aqalka sare ansixiyeen guddiyada golaha, xeer hoosaadka uu ku shaqeynaayo golaha Aqalka sare.
Awalka Sare ayaa ah mid ku cusub Soomaaliya, dastuurka qabyada ah ayaan siin awoodo badan, waxaana lagu wadaa in dasruurka dib loo geeyao ay awoodo ku yeeshaan.
Todobaadkii hore waxaa Muqdisho ka furmay kalfadhigii labaad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda.
Comments are closed