Shirka Gollaha Wasiiradda Federaalka oo Kismayo Ka Furmay

Kismaayo (estvlive) 1/07/2017

Waxaa goor dhow magaalada Kismaayo  ee xarunta Jubbaland si rasmi ah uga furmay shirka gollaha Wasiiradda xukuumadda Federaalka, oo markii u horraysay lagu qabtay meel ka baxsan caasimadda Muqdisho

Shirka waxaa shir guddoominaya  Ra’siul wasaaraha xukuumadda federaalka Xasan Cali Khayre, waxaana ka qaybgalaya ra;isul Wasaare k/xigeenka Soomaaliya iyo inta badan gollaha wasiiradda

 

 Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxman Yariisow ayaa sheegay shirka  maanta ka dhacaya magaalada Kismaayo inuu yahay shirkii caadiga ahaa ee Todobaadkiiba mar ay isugu imaanjireen Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda, wuaxuu  sidoo kale xusay  in shirkaan uu ka dhiganyahay in dowladdu ay u sii dhowaanayso shacabkeeda.

mudada ay joogaan, Waxaa kaloo jiri doona kulamo gaar gaar ah oo R/wasaaraha iyo Golihiisa Wasiirrada ay la yeelan doonaan masuuliyiin ka tirsan dowlad Gobaleedka Jubbaland iyo sidoo kale qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Ra’isul wasaare khayre oo ka hadlay muhiimada shirka gollaha wasiiradda ee kismaayo wuxuu tilmaamay  inay  muujinaysi midnimo iyo in dawladdu ay diyaar u tahay shacabkeedu inuu la xisaabtamo, waxaan Kismaayo ku qabanaynaa shirka Golaha Xukuumadda taas oo muujinaysa sida ay nooga go’an tahay buu yiri  in hoos loo eego deeganada iyo dawlad gobolleedyada xubnaha ka ah dowladd federaalka.

Comments are closed