Hogaaminta Jaaliyadda Sweden Iyo Mas’uuliyiinta Sare Safaarada oo Kulan Yeeshay

Sweden (estvlive) 14/07/2017

Kulan ay yeesheen Hogaaminta Jaaliyadda DDSI ee Sweden Iyo Mas’uuliyiinta Sare ee Safaarada Itoobiya Ee Sweden waxeyna kawada hadleen sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka hogaaminta jaaliyadda iyo Saraafada. Kulanka ayaa waxaa hogaaminayay Safiirada Dawlada Dimoqraatiga Federaaalka Itoobiya ee wadamada Scandanivianka H.E Ambassador Woinishet Taddese iyo Qunsulka Safaarada Itoobiya ee Sweden Mudane. Hussein Ahmed Omer.

Hogaaminta Jaaliyadda DDSI iyo Safaarada ayaa waxey hoosta ka xariqeen sidii maalqabeenada dalka Sweden loogu dhiiri galin lahaa in ay dalka u maalgashan lahaayeen iyo waxaa kaloo halkaasi la isla qaatay Qurbajoogta Kasoo jeeda DDSI in Ay Visa u doonan doonaan Xubnaha Hogaaminta Jaaliyadda ee loo Xilsaaray halkaas oo dhib badan ka haystay Qurbajogta taasoo waqtigan xaadirka ah loo fudadeeyay waxaana kaalin weyn ka qaatay hogaaminta jaaliyada DDSI Sweden oo suurta galiyay jaaliyadda DDSI aad u Soo dhaweyeen waxeyna ballan qaadeen in ay lashaqeyn doonaan safaarada

Ugu dambeyntii kulankaasi ayaa wuxuu ku soo gababagoobay is fahan iyo wada shaqeyn dhaxmarta hogaaminta jaaliyada iyo safaarada itoobiya ee Sweden

Comments are closed