Maalintii Sabtida waxaa Buundada Bosphorus Bridge isugu tegay dad ka badan boqolkun oo qof halkaas oo ahayd meesesha lagu fashiliyey inqilaabka waxaana ku geeriyooday 36 qof. Waxaa khudbad qiiro leh u jeediyey Madaxweynaha Turkiga Raccep Erdogan.
Khudbadiisi ayuu ku soo qaatey kuwa dalkooda khiyaamey ee inqilaabka sameeyey, ee xabsiyada ku jira waxaana uu ku dhawaaqey in uu taageerayo in lagu fuliyo xukun dil ah, iyada oo dalka Turkiga xukunka dilka la joojiyey mar sii horeysey.
Erdogan ayaa sheegay in uu hindisahaas horgeyn doono Baarlamaanka si wax looga beddalo xukunka dilka ee dalkaas laga joojiyey.
Buundada Bosphorus Bridge ee isku xirta labada qaaradood ee ku taala Istanbul ayaa magaca laga bedalay maalintii shalay waxaana hadda loo bixiyey Buunada shuhahdada.
Erdogan ayaa khudbadiisa ku sheegay in inqilaabku aanu ahayn kii u horeeyey isla markaana aanu noqon doonin kii u danbeeyey ee ay jiri doonaan khaa’imiin dalkooda dhagraya markasta.
Inqilaabkii fashilmey 15 Luuliyo 2016, waxaa lagu eedeeyey wadaadka magangelyada siyaasadeed ku jooga Maraykanka marna ahaan jirey saaxiibka dhaw ee Erdogan Fethullah Gülen oo awood ku dhex lahaa ciidamada Turkiga iyo weliba Booliska. Waxaa shaqadii laga cayriyey tobanaankun oo Guulaaniyiin ah, waxaa xabsiyada ku jira kumaankun qof oo lagu eedeeyey inqilaabkii 15 Luuliyo. Waxaa Inqilaabka ku dhintey dad ka badan 254 qof.
Erdogan ayaa sheegay in ay shacabka Turkiga bixiyeen dhiigooda, ma jiro ayuu yiri wax ka qaalisan oo aan dhiigeena ku bedalan karno naabd iyo xornimo iyo dimoqraadiyadeena.
Comments are closed