Justine Ruszczyk oo ahayd haweeneyda la diley ayaa wacdey Lanbarka gar-gaarka deg-dega ah ee 911, kadib markii ay meel ku dhaw gurigeeda ka maqashey qaylo haween taas oo ay u fahantey in halkaas kufsi ka dhacayo.
Waxaa goobta gaarey laba Booliska Minneapolis ka tirsan. Mid kamid ah Booliska ayaa ku harey gaarigiisa halka kii kale uu noqdey ninka diley haweenydii wacdey 911, sida ay qortey warbaahinta gudaha ee gobolka Minnasota.
Sida ay sheegeen Saraakiisha u saraysa Booliska Minneapolis, labada sarkaal midna ma sidan kaamarada jirkiisa ku xiran, taas oo khasab ah in Boolisku shido marka uu ahwlgal gelaayo, waxaana socda baaritaan ku aadan waxa dilkaani la xdiriiro.
Boolisku kama helin goobta wax hub ah oo ay sidatey haweenyda la diley.
Ninka dilka geystey ayaa si hoose warbaahinta loogu sheegay in uu yahay Mohamed Nuur oo asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, waxaana uu ahaa ninkii u horeeyey ee Soomaali Ameerikaan ah oo kamid noqda Booliska Minneapolis.
Mohammed Nur ayey warbaahinta qaarkeed sheegaysaa in uu ku socdey baaritaan kadib amrkii uu jirdiley haweeney oo uu si khasab ah ku geeyey Isbitaalka isaga oo sheegaya in ay waalan tahay.
Comments are closed