Angel Maria Villar ayaa sidoo kale ah Madaxweyne kuxigeenka FIFA, waxaana lagu eedeeyey inuu ciyaaraha xulka Qaranka ee Spain iyo mashaariicda la xariirta uu si dadban u hoos geeyey shirkado uu leeyahay wiilka uu dhalay Gorka Villar oo isaga xabsiga la dhigay.
Waxay booliiska sidoo kale xireen labo mas’uul oo ka tirsan guddiga xiriirka kubada cagta oo la sheegay in ay qeyb ka ahaayeen musuq maasuqan. Booliiska ayaa baaritaan qarsoodi ah soo waday tan iyo sanadkii hore 2016.
Ciidamada baaritaanka wada ayaa gudaha u galay xarunta xiriirka kubada cagta ee Spain ee magaalada Madrid iyagoo halkaasi ka baaraya xog dheeraad ah.
Comments are closed