Qatar ayaa sheegtay inay diyaarineyso dacwo ka dhan ah Xulafada Sacuudiga oo ay sheegtay inay dhaawac u geysatay dhaqaalahooda, isla markaana ay doonayaan magdhaw.
Wafdi ka socda Qatar oo uu hogaaminayo Wasiirka Dhaqaalaha Axmed bin Jassim Al Thani, ayaa ku sugan magaalada Geneva dalka Switzerland iyagoo kulamo laleh guddiyada caalamiga ah ee Ganacsiga dunnida.
Waxay Qatar sidoo kale sheegtay inay dacwadooda u gudbin doonaan Maxkamada Caalamiga ah ee ku taal The Hague ee dalka Holland. Sidaa waxaa sheegay Wasiirka Gaashaandhiga Qatar Khalid bin Mohammed al-Attiyah.
Xayiraada la saaray Qatar ayaa ah mid ku khasabtay in Doha adeegsato diyaarado in ay kusoo dajisato wax walba oo dalkaasi la keeno, kadib markii ay dhinaca bada ka xireen Sacuudiga iyo Imaaraatiga.
Comments are closed