Trump oo joojinaya Taageeradii Maraykanka siin jiray mucaaridka Siiriya

Mareykanka (estvlive) 20/07/2017

Dowlada Maraykanka ayaa la sheegay inay joojinayso taageeradii ay siin jireen xoogaga hubeysan ee mucaaridka la dagaalamaya hogaamiyaha Siiriya Bashar Al Assad.

Warbixintan laga soo xigtay Saraakiisha Sirdoonka Maraykanka ayaa shalay lagu daabacday jariirada Washington Post, go’aankan ayaa la sheegay inuu qeyb ka yahay dadaalka uu Trump ugu jiro inuu xiriir fiican la yeesho dowlada Ruushka oo iyadu taageerta Dowlada Siiriya ee Bashar Al Assad.

Go’aankan ayey xukuumada Trump qaadatay bishii lasoo dhaafay sida lagu sheegay warbixintan.

 

Maraykanka ayaa sanadkii 2013 bilaabay mashruuc ay fulineysay sirdoonkooda CIA oo tababaro iyo hub siin jiray xoogaga mucaaridka sunnida ah ee la dagaalamaya xukuumada Al Assad.

Donald Trump ayaa tilaabadan qaaday kahor shirkii G20 ee 7dii bishan ka dhacay dalka Germany, halkaasi oo uu kulankiisii ugu horeeyey oo rasmi ah kula yeeshay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Comments are closed