Wuxuu sheegay in shuruudo iyo caqabado badan ay dowlada Sacuudiga hordhigtay dadka u dhashay dalka Qatar inay safraan, arrintaasi oo ka horimaaneyso xaquuqul insaanka, ayuu yiri Md.Al Marri.
Xulafada Sacuudiga ayaa weli diidan inay qaadaan xayiraada cirka, dhulka iyo bada oo ay kusoo rogeen dalka Qatar.
Dowlada Qatar ayaa horey u sheegtay in Sacuudiga uu sidoo kale cadaawad ku dhex abuurayo labada shacab, waxayna sheegeen in Sacuudiga uu hada wado olole uu dadkiisa ku kicinyo si ay cadaawad ugu muujiyaan wadanka ay jaarka yihiin ee Qatar.
Comments are closed