Haddaba, wasiirka xafiiska shaqada iyo arimaha bulshada DDSI marwo Kaamil Axmed Nuur oo ku wareejisay xubnahan naafada ah qalabka ayaa xafiiskeeda kula hadashay warbaahinta deegaanka waxayna sheegtay in xafiiska shaqada iyo arimaha bulshada DDSI oo kaashanaya xukuumada DDSI uu wado dadaal xoogan oo kor loogu qaadayo ka jawaabida baahida bulshada qabta baahida gaarka ah wasiirka ayaa intaa ku dartay in uu xafiisku sanadkan xooga saarayo dhismaha xarumo lagu tayactiro qalabka ay adeegsadaan dadka qaba baahida gaarka ah gaar ahaan xubnaha naafada ah iyo goobo lagu sameeyo gulaha artafiishaalka ah/ aan caadiga ahayn.
Dhankooda xubnihii lagu wareejiyay qalabkan baaskiilada ah ayaa siwayn ugu mahad naqay xukuumada DDSI iyo xafiiskan oo gaadhsiiyay qalabkan waxayna sheegeen in ay kaalinwayn ka qaadayo qalabkani baahidii dhinaca socodka ah ee ay qabeen.
Comments are closed