Wasiirka Amniga ayaa xusay in ay dambi tahay nooca kasta oo taageero la siinayo kooxda argagaxisada sida ganacsi, siyaasad, qarinta, la xiriirka, niyad u dhisid iyo wixii lamid ah la joojiyay cidii lagu helo ay dambiile u aqoonsan doonto dowladda Soomaaliya.
Waxaa kamid ahaa qodobada la soo saaray,
1: in aan la aqbalidoonin in lacago la siyo Alshabaab taasi oo ay ugu yeeraan taakuleynta mujaahidiinta iyo sakawaad.
2: cidkasta oo alshabaab lacag siiso in talaabo laga qaado,lamina aqbalayo in mar marsiyo laga dhigto handadaad.
3: Ganacsatadu waxaa looga digayaa in ay taageeraan Alshabaab oo ay lacago siyaan.
4: Cidii Alshabaab u aqoonsata maamul jira talaabo ayaa laga qaadayaa.
5: xawaaladaha dalka kajira Alshabaab lacago uma keydin karaan, lacagna uma dirikaraan.
6: shirkadaha xawaaladaha uma fududeyn karaan adeegyada kaladuwan ee isgaarsiinta.
7:Caawa laga bilaabo ninkii ganacsade ah oo aado deegaano Al-Shabaab maamulaan sida Toora Toorow iyo deegaano kale lacagna u geeya SHabaab waa la xerayaa, hantidiisana Dowladda ayaa la wareegaysaa.
8: cidkasta oo go’aamadan ka hortimaada talaabo ayaa laga qaadayaa, cid looga aaba yeelaayana majirto.
Comments are closed