Maareeye Ku Xigeenka Wakaalada Dakhliga DDSI Oo Xaflad Hadhimo Sharafeed Ah U Sameeyay Qaarka Mid ah Qurba jooga DDSI.

Jigjiga (estvlive) 23/07/2017

Xaflad  hadhimo sharafeed ah oo uu soo agaasimay maareeye ku xigeenka wakaalada dakhliga DDSI mudane Cabdifataax Maxamed Cabdi oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin uu ka mid yahay wasiirka maalgashiga DDSI mudane Cabdinaasir Maxamed, masuuliyiin kale iyo qurba joogta loo qabtay hadhimo sharafeedkan oo ka kala timiday wadamada demark iyo jarmalka oo ay ka mid ahaayeen gudoomiyaha jaaliyada DDSI ee wadanka jarmalka mudane cabdirashiid shuqul,  gudoomiye ku xigeenka jaaliyada DDSI ee wadanka dermark mudane cabdirisaaq cabdi cumar iyo nafaan cadbiraxmaan koronto ayaa ka dhacday huteelka city crow ee caasimada deegaanka,

 

Haddaba xafladan ayaa waxaa ka hadlay maareeye ku xigeenka wakaalada dakhliga DDSI mudane cabdifataax maxmaed cabdi oo sheegay in ay tahay imaatinka qurba joogta iyo  la kulankood  mid farxadeed  oo  muhiimna u  horumarka iskaashiga  ee xukuumada DDSI iyo qurba joogta deegaanka ka wadaan deegaanka isaga oo ku amaanay qurba joogta deegaanka sida ay wakhtigan kaalin  muga leh uga qaadanayaan isbadalka horumarineed ee ka taabagalay deegaanka iyo ka qaybgalka  hirgalinta mashaariicaha  horumarineed ee heer qaran ee uu ka mid yahay mashruuca dib u curashada dalkeena ee biyo xidheenka ABAY wuxuuna ku booriyay qurba joogtan in ay sii xoojiyaan dadaalkood gaar ahaan dhinaca maalgashiga ay ka wadaan deegaanka

Dhankooda xubahan qurba joogta oo la hadlay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in imaatinka dhulkooda hooyo ay  tahay sharaf iyo karaamo  wadaniyadeed oo ay uga mahad naqayaan xukuumada hirgalisay in si nabadgalyo iyo horumar leh loogu naaloodo guud ahaan deegaanka soomalida itoobiya waxayna ugu siwayn ugaga mahad naqeen soo dhawaynta masuuliyiinta DDSI iyo shacabkuba la garab tagan yihiin qurba joogta DDSI.

Isku soo wada doob  oo isbadalka horumarineed ee dalkeena itoobiya  ku talaabsaday tobonaankii sano ee ugu danbeeyay ayaa waxaa qaybwayn ka ciyaarayay qurba joogta ka soo jeeda dalkeena itoobiya kuwaasi oo garab iyo gaashaan adag u ahaa muuqaalka itoobiyada cusub ee  ku dhisan isjacay iyo wax wada qabsi wadaniyadeed waxaana xusid mudan in kaalinta ka qaybgalka horumarka qurba joogta dalkeena itoobiya si wayn uga dhex muuqdeen qurba joogta deegaanka soomali itoobiya kuwaasi oo muujiyay sida maanta ay u yihiin kuwa halbaw leh u ah itoobiyada cusub.

Comments are closed