Madaxweyne Gaas: Waa In Dib Loo Cusboonaysiiyo Axdigii Lagu Dhisay Puntland 1998dii

Garoowe (estvlive) 25/07/2017

Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  oo   maanta  khudbad ka jeediyay shirka isimada Puntland ee dib uga furamay Magaaladda Garoowe, kaasi oo ku saabsanaa  xalinta tabashada Beesha Tanade, ayaa sheegay in loo baahan yahay in dib loo cusoonaysiiyo axdigii lagu dhisay dowladda Puntland 1998dii

 

Madaxweynuhu, wuxuu sheegay  in shirkani qabashadiisii  uu ku  yimid codsi ka yimid isimadda puntland qaarkood oo codsaday in la isugu yeero dhammaan isimadda si loo xaliyayo tabashada beesha ee ku aadan saami-qaybsiga gollaha wakiiladda Puntland oo beesha tannade ay saluugsan tahay qaybta ay ka heshay axdigii lagu dhisay Puntland 1998dii.

” waxkastaaba dib u cusoonaysiin ayay u baahan yihiin, 19 sanno  ayay hadda ku soo dhowdahay (puntland) in dib u yagleelno oo niraahno maxaa u qabsoomay , maxaa naga xumaaday, maxaa noo qabsoomay, xagee joognaa, xagee u soconaa, lagama maarmaan inay tahay ayay anniga ila tahay” ayuu yiri Madaxweynuhu

Madaxweynuhu wuxuuu soo hadal-qaaday isbedel lagu sameeyo dastuurka Puntland, isagoo xusay in loo baahan yahay in dastuurku uu  ka jawaabo  amuuraha iyo baahiyaha jiilkasta. Waxaa kaloo uu  sheegay inuu aaminsan yahay in tabashada beesha Tanade ay tahay  mid dhab ah, islamarkaana uu doonayo in laga jawaabo.

” Anigu ka Madaxweyne ahaan waxaan aamin-sanahay in tabashadaasi tahay mid dhab ah, Illahay hortii ayaan saas u leeyahay, xaashina ma-qareen isumanakiin yeedheen hadaanan aaminsanayn, laakiin ma’aha wax aniga gacantayda kujira, waxaan rabaa in laga jawaabo, si xaqiiqa oo dhaba aad uga  jawaabtaan, arrinta dastuurka, sidiisaba dastuur waxaa inaga inoo ah diinteena islaamka ( kitaab keena iyo sunadda Nebigeena Maxamed ”SCW” ), markaan ka hadalo datuurka aan qoranay, dastuur sidiisaba markay dawladdi dhigato waxaa la yiraahdaa  waa document nool (Living Documentry) maalintii  laqoruu dhintay ma aha, waa soconayaa waxaa la rabaa tariikh kasta iyo jiil kasta amuuraheeda, dhibteedda iyo tabashadeeda inuu ka jawaabo” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Shirkan uga furamay isimadda Puntland Caasimadda Garoowe, waxaa ka maqnaa qaar kamid ah isimadda Puntland oo ay ka mid ahaayeen Islaan Ciise Islaan Maxamed, Boqor Burhaan Boqor Muuse, Islaan Bashiir islaan Cabdulle, Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin iyo Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan.

Bishii Maajo 2017 Xildhibaano aad u tira badan oo ka tirsan golaha wakiilada Puntland ayaa  soo saarey baaq ay ku sheegayaan in aan la furi karin tirada Baarlamaanka ilaa tirakoob sax ah la helo haddii sidaas la sameeyana uu noqonayo albaab dhibaato oo la furay.

Comments are closed