Mudane Mahdi, ayaa hadalkaasi ka sheegay kulan Su’aallo lagu weydiinayay qaar kamid ah xubnaha golaha Wasiirada, sida Wasiirka warfaafinta iyo Gaashaandhigga.
“Waxaa dhawaan suurta geli doonta, Wasaaradda Maaliyadda, Guddiga dhaqaallaha iyo Bangiga Adduunkana ay ka wada shaqeynayaan in lasoo daabaco lacago taya leh oo aan la koobiyeen Karin. Waxaan soo daabaceynaa shilling Somaliga oo kala duduwan oo dalka la keeno si loo xareeyo lacagta duugoowday ee iminka suuqyada lagu isticmaali karin”. Ayuu yiri.
“Lacagta lasoo daabacayo waxaa ay suurta gelineysaa in dhaqaallaheena dollarka ku dhisan in laga maarmo, lacagtaas sida ugu dhaqsiyada badan ayaa loosoo dhaabacayaa si dhaaqaallaheena uu u koro”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Deegaanno badan oo kamid ah gobollada Mudug, Galgaduud, Hiiraan iyo Bakool waxaa horey looga diiday qaadashada lacagta shilinka Soomaaliga, welina waa ay taagan tahay saameynta arrintaasi ay reebtay.
Mas’uuliyiinta magaallooyinka bartamaha Soomaaliya ayaa sheegay in weli uu hoos u sii dhacayo qiimaha shilinka Soomaaliga marka loo eego lacagta doollarka.
Ganacsatada magaallooyin dhowr ah ayaa xiray meheradaha oo diiday inay qaataan lacagta Soomaaliga iyaga oo ku andacoonaya in suuqa lasoo geliyey lacago been abuur ah.
Comments are closed