Ruushka oo isagana sheegay inuu diyaar u yahay dhex dhexaadinta Khaliijka

Ruushka (estvlive) 26/07/2017

Dowlada Ruushka ayaa ku biirtay wadamada sheegay inay doonayaan in ay dhex dhexaadiyaan dalalka khaliijka ee uu khilaafka ka dhaxeeyo.

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Ruushka Sergie Lavrov ayaa sheegay in dowladooda ay taageersan tahay dadaalka uu wado Amiirka kuwait, balse hadii uu fashilo qorshahaasi ay iyagu diyaar u yihiin inay dhex dhexaadiyaan dhinacyada is-haya.

 

Xukuumada Turkiga ayaa Isniintii sidan oo kale u sheegtay inay iyaduna dooneyso inay kulan fool ka fool ah u qabato hogaamiyayaasha Sacuudiga iyo Qatar si khilaafka loo xaliyo.

Inta badan dalalka caalamka ayaa iyagu taageeradooda u muujiyey dadaalka uu wado Amiirka dalka Kuwait oo hada udub dhexaadka u ah waan waanta la doonayo in lagu qaboojiyo xiisada ka dhex taagan dalalka Sacuudiga, Imaaraatiga, Masar iyo Baxreyn oo xayiraad kusoo rogay dalka yar ee Qatar.

Comments are closed