Maamulka Falastiin oo qaadacay qorshaha Israel ee Al Aqsa

Qudus (estvlive) 26/07/2017

Maamulka Falastiin ayaa gebi ahaan diiday qorshaha Israel ay dooneyso inay ku faro geliso maamulida Masjidka Al Aqsa ee magaalada Qudus.

Xiisada ka taagneyd isbaarooyinka iyo baaritaanada Israel ku heyso dadka masaajidka u cibaado taga ayaa keenay todobaadyadii lasoo dhaafay rabshado ay ku dhinteen in ka badan 5 qof.

Israel ayaa shalay qaaday isbaarooyinkii ay hordhigatay Masaajidka goobahaasi oo lagu baari jiray dadka balse waxay dooneysaa in ay goobahaasi ku rakibto qalab kale oo casri oo la soconaya dhaq dhaqaaqa dadka masjidka galaya.

 

Maxamuud Cabaas Madaxweynaha Falastiin ayaa sheegay in aysan ogolaan doonin tilaabo walba oo ay Israel dooneyso inay ku faro geliso nidaamka iyo maamulida masaajidka Al Aqsa. Xili ay weli sii socdaan mudaharaadyada looga soo horjeedo Israel.

Shacabka muslimiinta ayaa weli ku tukanaya banaanka Masaajidka iyagoo diidan inay aqbalaan xanibaada iyo basaasida ay Israel dooneyso inay ku rakibto iridaha laga galo Masjidka.

Comments are closed