UN: Xasuuqii Doontii Qaxootiga Soomaalida waxaa geystay Xulafada Sacuudiga!

Riyaad (estvlive) 27/07/2017

Guddiga loo saaray baaritaanka Xasuuqii loo geystay Qaxootigii Soomaalida ee saarnaa dooni ka baxday dalka Yemen ayaa warbixintooda u gudbiyey Qaramada Midoobay.

Qoraalka Guddiga oo ay qeyb kamid ah aragtay wakaalada wararka ee Reuters ayaa lagu sheegay in weerarkii bishii Maarso lagu dilay in ka badan 40 qof oo Soomaali ah ay geysteen isbaheysiga ama xulafada Sacuudiga.

 

Guddiga baaritaanka ku waday weerarkii lala beegsaday doonidii ay saarnaayeen in ka badan 140 qof ayaa Isniintii loo gudbiyey golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

Warbixintan ayaa lagu qeexay nooca hubka loo adeegsaday weerarkaasi iyo diyaarada nooceeda oo lagu sheegay Helikobter ama nooca qumaatiga uu kaca oo kasoo duushay markab dagaal oo ku sugan xeebaha Yemen.

Sacuudiga iyo Imaaritaaniga ayey labaduba ciidamo iyo Maraakiib dagaal ka joogaan bada dalka Yemen.

Baaritaankan ayaa lagu sheegay in dalalka ku jira isbaheysiga Sacuudiga ay diideen inay la shaqeeyaan guddiga baaritaanka waday, iyagoo iska fogeenaya in lagu helo danbiyada lagu heysto, waxaana warbixintan lagu yiri in dalalka isbaheysigaasi ku jira mid waliba isku dhex qarinayo magaca Isbaheysiga si aan dacwad gaar ah loogu qabsan dal gaar ah.

Dalka eeda ugu weyn qaadi doona ayaa u muuqda inuu yahay dalka Sacuudiga, walow warbixintan aan si gaar ah lagu sheegin dalka, balse lagu eedeeyey Isbaheysiga uu hogaamiyo Sacuudiga.

Soomaalidii ka badbaaday xasuuqii doonta oo ku sugan dekkada Hodeydah, Yemen, 22 Maarso 2017. Photo REUTERS/Abduljabbar Zeyad

Doonida siday Soomaalida ka cararayey dagaalka ka socda dalka Yemen ayaa ka baxday dekkada Xudeydah oo ay gacanta ku hayaan maleeshiyaadka Xuuthiyiinta halkaasi oo ay horey duqeynmo ulla beegsadeen diyaaradaha Sacuudiga.

Marka laga yimaado 42 qof ee weerarkaasi ku dhintay waxaa sidoo kale ku dhaawacmay in ka badan 30 qof oo Soomaali ah kuwaasi oo muddo ku dhibaateysnaa dalka Yemen.

Dowlada Soomaaliya ayaan weli arrintan ka hadlin iyo warbixinta guddiga baaritaanka u gudbiyeen Qaramada Midoobay.

Waxaan sidoo kale la ogeyn in dowlada Soomaaliya ay arrintan uga dacwoon doonto dalalka eeda la saaray sida Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraatiga oo labaduba xiriir dhaw laleh dowlada Federaalka Soomaaliya.

Comments are closed