Madaxweynaha oo guddi u saarey is-rasaaseyntii ciidanka dhex-martey

Muqdisho (estvlive0 27/07/2017

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa isugu yeeray guddiga amniga ee Dowladdaa, waxaana kamid ahaa Wasiirada, Amniga, Arrimaha Gudaha,Maaliyadda Taliyaasha ciidanka qalabka sida, Taliyaha Booliska iyo taliyaasha sirdoonka.

Shirkan ayaa daba socdey kadib markii maalintii shalay laba jeer is rasaaseyn dhex martey ciidamo ka wada tirsan kuwa Dolwaladda, waxaana is rasaaseyntii labaad dhex-martey ciidamada loo xilsaarey xasilinta iyo nabadda Muqdisho iyo ciidanka ilaalada Madaxwtooyada. Dagaalkaas waxaa ku nafwaayey saddex askeri.

 

Madaxweynaha ayaa u magacaabey dhacdadan baaritaankeeda guddi, waxaana guddoomiye looga dhigey Taliyaha Booliska Gen. Cabdixakiin Daahir Siciid.

Guddiga oo isla habeenki xalay kormeer ku sameeyey ciidamada gacan ka hadalku dhexmarey booqdeyna goobtihii la isku rasaaseeyey ayaa sheegay in dhacdadaan ahayd mid fool xun oo laga xumaado, iyaga oo xaqiijiyey in gacanta lagu hayo dhammaan dadkii ku lug lahaa falkan.

Taliyaha Booliska ayaa sheegay in ay sida ugu dhakhsiyaha badan u soo gudbinayaan sida wax u dhaceen markii ay baaritaanka soo dhameeyaan.

Comments are closed