Guddoomiyaha barlamaanka Puntland axmed Cali Xaashi oo ku dhawaaqay go’aanka barlamaanka, waxaa uu sheegay in 59 Xildhibaan ay u codeeyeen in la ansixiyo heshiiska, hal xildhibaan oo kaliya ayaa ka soo horjeestay, iyadoo guud ahaan 60 mudane ay fadhiyeen fadhiga barlamaanka sida uu sheegay.
” ansixinta labada heshiis waa mid taariikhi ah, waa heshiisyo ummada waxtarkeeda u yeelan doona, kaabayaasha dhaqaalahana wax ka tari doona, cid walba oo reer Puntlandna farxadweyn ayay u tahay” sidaas waxaa yiri guddoomiye K/xigeenka Barlamaanka Puntland Cabdixamiid Sheekh Cabdisalaan Ciise
dhinac kale, Barlamaanku wuxuu isla maanta meelmariyay heshiis kale oo dowladda Puntland ay la gashay shirkadda laga leeyahay dalka shiinaha ee CCECC kaasi oo ku saabsanaa dhismaha Garoonka diyaaradaha Galkacayo, dhimaha wadada Garowe iyo Eyl iyo mashaariic kale, taa bedelkeeda dowladda Puntland ay ruqsad u siisay shirkadda inay heshiisyo shidaal iyo macdan baaris ah ka samayso degaamadda Puntland.
Agaasimaha Hay’adda Macdanta iyo shidaalka Puntland Siciid Faarax Maxamuud ayaa barlamaanka u faahfaahiyay heshiiska dowladda la gashay shirkadda CCECC, waxaa uu sheegay in heshiiskan uu muhiim u yahay kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka iyo bixinta deyn shirkadu ku lahayd wajigii hore dhismaha Garoonka diyaaradaha Bosaso oo qiimihiisu dhammaa 12 milyan oo dollar
Madaxweynaha Puntland oo ay weheliyaan qaar ka mid ah gollihiisa Wasiiradda iyo guddoomiyaha Barlamaanka ayaa bishii March wuxuu heshiis la galay Shirkada P& O ee DP World kaasi oo lagu ballaarinayay Dekeda Bosaso, heshiiskaasi wuxuu dhigayay in muddo 30 sanno ah ay dekeda Bosaso maamusho shirkadd DP World, Taa bedelkeedana lagu maalgaliyo Lacag qiimo ahaan dhan $336 milyan oo dollar (Saddex boqol iyo Sodon iyo Lix Milyan), iyadoo Shirkadda DP world ay wajiga kowaad ee mashruuca ku bixin doonto 136 Milyan milyan oo dollar, wajiga labaadna 200 milyan Doolar.
Comments are closed