Madaxweyne Cosoble: Ma aqbaleyno in maxkamada sare sharci darro ku tilmaamto xildhibaanno la soo doortay

Hirshabelle (estvlive) 27/07/2017

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabelle, Cali C/llaahi Cosoble ayaa ku tilmaamay khalad go’aankii maxkamadda sare ee dalka ka soo baxay ee ahaa in xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ee ahaa in dib loogu noqdo doorashadii Siddeed Kursi oo ka mid ah baarlamaanka



Madaxweyne Cosoble ayaa sheegay in Siddeeda xildhibaan horey go’aan uga gaareen Madasha Wada-tashiga Qaran ee u xil-saarnaa ka gudbitaanka xilliga kala-guurka oo ahaa in ay sharci ay yihiin, islamarkaana loo dhaariyay in ay gutaan waajibaadka Qaran ee loo doortay, waxaana uu sheegay in uu sharci noqonayo go’aan baarlamaanka Soomaaliya uu gaarayee ah in aan dib loogu noqon karin doorashada xildhibaannadaas.

Sidoo kale, Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullah Cosoble ayaa intaa ku darray in baarlamaanka Soomaaliya 180 xildhibaan u codaysay in xildhibaanadani sharci yihiin, sidaa daraadeed aan laga hor iman karin go’aanka baarlamaanka uu gaaray.

“Waxaa sharci ah go’aanka baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Marna ma ogolin mana aqbaleyno in la khilaafo go’aanka Baarlamaanka, ujeedada laga leeyahay in la abuuro khilaaf siyaasadeed misana la iska diido go’aanka golaha shacabka qaab aan u fasirno ma garaneyno,” ayuu yiri Cosoble.

Madaxweyne Cosoble ayaa ka digay in xasilooni darro siyaasadeed la geliyo dalka, wuxuuna soo jeediyay in loo hoggaansamo go’aanka baarlamaanka in sharci ay ku fadhiyaan saddeeda xildhibaan.

Comments are closed