Fadhiga barlamaanka oo uu shir gudoominayey guddoomiyaha Golaha Axmed Cali Xaashi ayaa ku dhawaaqay natiijada codaynta, 39 xildhibaan ayaa u codeeyay in la ansixiyo degmooyinkaas , 1 xildhibaan ayaa diiday, 4 xildhibaana waa ka aamusee, waxaana guud ahaa soo xaadiray Mudanayaal tiradoodu gaareyso 44 mudan.
Afarta degmo ayaa kala Dhudhib, Shaxda ,iyo xunbays oo ka tirsan gobolka karkaar iyo Bursaalax oo ka tirsan gobolka Mudug, sidoo labo mid ka mid ah degmooyinka la ansixiyay waxay k tirsanaayeen degmadda Bender Bayla oo ka mid ahayd degmooyinkii qadiimiga ah ee ku yaal xeebaha badweynta Hindiya ee gobolka bari oo hadda laga dhigay saddex gobol.
Gudoomiyaha golaha wakiiladda wuxuu sheegay in dhammaan degmooyinkaasi la ansixiyay ay soo buuxiyeen shuruudihii degmo ee looga baahna, waxaana guud ahaan degmooyinka puntland ay tiro ahaan kor dhaafayaa 40 degmo.
isla bishan waxaa mudaharaadyo ka dhaceen degmadda Bender Bayla oo lagaga soo horjeedo magacaabsita degmooyinka cusub, waxay sheegeen in degmooyinkii hore u jiray ayan helin adeegyadii muhiimka u ah nolosha dadweynaha, waxay kaloo go’aankaasi ku tilmaameen mid dhaawacaya nabadgelyada degaanaka, islamarkaana abuuraya dagaalo iyo kala fogaanshaha bulshada ku wada nool degaamadaasi.
Comments are closed