DAAWO Trump oo casilay Agaasimihiisii Madaxtooyada Reince Priebus

Mareykanka (estvlive) 29/07/2017

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa si kadis ah u casilay Agaasimihiisii Madaxtooyada Reince Priebus, isagoo casilaada ku shaaciyey bartiisa Twitterka.

 

Donald J. Trump @realDonaldTrump I would like to thank Reince Priebus for his service and dedication to his country. We accomplished a lot together and I am proud of him!

Casilaada Reince Priebus ayaa kusoo aadaysa xili todobaadyadii lasoo dhaafay ay socotay iscasilaada qaar badan oo kamid ah saxiibada Agaasimaha iyo waliba xubno sar sare oo kamid ahaa Aqalka Cad iyo hogaanka xisbiga Jamhuuriga oo uu kamid ahaa Afhayeenkii Aqalka Cad Sean Spicer.

Saxaafada Maraykanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay saadaalinayey in la casili doono Agaasimaha Reince Priebus, kadib markii Trump uu xil u magacaabay Anthony Scaramucci Madaxa xafiiska Xiriirka iyo Warfaafinta ee Aqalka Cad.

Anthony Scaramucci oo isagu aan horey wax xil dowladeed ah usoo qaban ayaa ahaan jiray nin ganacsade ah oo horey mucaarid ugu ahaan jiray Donald Trump.

Agaasimaha xilka laga qaaday Reince Priebus iyo Afhayeenkii hore Sean Spicer ayaa labaduba si weyn uga soo horjeeday xilka loo magacaabay Anthony Scaramucci.

Mr. Anthony Scaramucci ayaa maalmihii lasoo dhaafay weerar toos ah ku hayey Agaasimaha Madaxtooyada Mr.Priebus oo uu cay iyo aflagaado usii marinayey warbaahinta, isagoo ku eedeeyey Agaasimaha Reince Priebus inuu ka danbeeyey sirta Aqalka Cad ee maalin walba loo gudbiyo saxaafada, weerarka Scaramucci ayaa la aaminsanaa inuu maskaxdeeda lahaa Trump oo ugu danbeyntii ku dhawaaqay casilaada Agaasimaha.

Trump ayaa xilka Agaasimaha u magacaabay John F Kelly oo horey usoo noqday xoghayaha Wasaarada Arrimaha Amniga Gudaha ee Homeland Security. Waxaana lagu xasuustaa ololihii adkaa ee uu kula jiray dadka Soogalootiga ah iyo kuwa danbiyada ka geysta gudaha Maraykanka.

Donald Trump ayaa ku sheegay Gen.John Kelly nin khibrad badanleh isla markaana uu kamid yahay dadka uu ku kalsoon yahay.

Donald J. Trump @realDonaldTrumpI am pleased to inform you that I have just named General/Secretary John F Kelly as White House Chief of Staff. He is a Great American….

Isbedalada ka dhex socda Aqalka Cad iyo dagaalka hoose ee uu dhaxeeyey saraakiisha sare ee Madaxtooyada Maraykanka ayaa u muuqda inuu heerkii ugu xumaa gaaray xili ay 6 bilood kasoo wareegtay markii uu xilka qabtay Trump.

Inta badan saraakiisha Aqalka Cad ee shaqada isaga tagay ama xilka laga xayuubiyey ayaa u badnaa ragii horey uga soo shaqeeyey Xisbiga Jamhuuriga ah, iyadoo arrintana la rumeysan yahay inay salka ku heyso xiriirka sii xumaanaya ee Trump iyo Xisbigiisa Jamhuuriga.

Comments are closed